Wararka naga soo gaaraya degmada howlwadaag ayaa ku waramaya in goor dhow xaafado ka mid ah degmadaasi ay ku soo dhaceen madaafic aan la’ogeyn halka laga soo tuuray.
Goobjoogayaal ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in tiro hoobiyayaal ah ay ku soo dhaceen gudaha degmada , kuwaasi oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana ku dhintay labo ruux halka ay ku dhaawacmeen 10 kale oo dhamaantood ahaa dad shacab ah.
Ma jirto ilaa iyo hada cid ka hadashay weerarkaasi, hasa’ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in lala damacsanaa xarunta madaxtooyada.
Dhawaan ayey aheyd markii degmada Wadajir lagu toogtay laba nin oo la sheegay inay hoobiyayaal ka tuureen degmadaas.