Golaha Wasiirada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa Goordhow Taliyeyaal Cusub u magacaabay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirada ayaa xilkii ka qaaday Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Daahir Aadan Cilmi Indhe-qarshe,iyadoo xilkaas loo magacaabay Jen. Odawaa Yuusuf Raagge oo ahaa Taliyaha Ciidanka dhulka.
Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa waxaa loo oo magacaabay Cabdi Xasan Xijaar oo ahaa Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka, waxaana xilka taliyaha Booliska laga qaaday Jen, Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko.
Sidoo kale Golaha Wasiirada Xukuumadda Federalka Soomaaliya ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta u magacaabay Gen. Mahad C/raxmaan,kaasi oo ahaa Taliyaha Booliska Koofur Galbeed,iyadoo xilkaas laga qaaday Bashiir Goobe.
Ugu dambeyntii Taliyaha hay’adda NISA ayaa waxaa loo magacaabay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo muddo 10 bilood ahaa sii-haaye.