DEG DEG: Shirka Hiigsiga Cusub oo Soo Idlaaday

Waxa imminka ku soo idlaaday Xarunta Afisiyooni Ee Magaaladda Muqdisho Shirka Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya (New Deal) oo uu Shalay furay Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka waxa ka qeybgalay Madaxda Dowlada,Beesha Caalamka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada qaar.

Waxa laga soo saari doonaa war murtiyeed lagu faahfaahin doono shirkan oo wajigiisa hore lagu qabtay Magaaladda Copenhagen Ee Dalka Denmark.

Xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay Shirkan iyo waxyaabahii looga hadlay iyaga oo sheegay in ay soo dhaweynayaan Dhismaha Maamulka Galmudug, iyo Dhismaha Guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka Dalka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor