DEG DEG: Qarax xoogan oo Muqdisho lagula eegtay ciidamada dowlada

Qarax xoogan ayaa goor dhaw ciidamada dowlada waxa lagula eegtay isgoyska KPP ee degmada Hodan sida wararka ay sheegayan.

Qaraxa oo ahaa miino waxa la sheegay inuu waxyeelo gaarsiiyay gaari ay waten ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya.

Wakaalada Wararka SONNA waxa ay sheegeysaa in qaraxa oo ahaa miino in lala beegsaday bar ay ciidamada ku sugnayen.

Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhaawacmay qaraxa sida wakaalada ay baahisay,balse weli lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee qaraxa ka dhashay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor