Gaari lagu soo xeray waxyaabaha qarxa islamarkaana la sheegay in uu lahaa Nin injineer ah ayaa waxaa uu ku qarxay Buundada Ansalooti ee kala qeybisa degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari.
Qaraxa waxaa ku dhaawacmay injineerkii lahaa gaariga iyo dad shacab ah halka uu ku nafwaayay nin kale oo saarnaa gaarigaasi.
dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi ayaa waxaa loo qaaday xarumaha caafimaad ee ku yaala Magaaladda Muqdisho.
qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda federaalka somalia.