Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari, ayaa ku waramaya in qarax miino lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidanka maamulka Puntland oo marayey inta u dhaxaysa  Galgala iyo Boosaaso.
Ciidamada ayaa ka baxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaana la sheegay in qarax miino lagula eegtay duleedka magaaladaasi, lama oga inta uu gaarsiisanyahay khasaaraha qaraxa, waxaana warar kala duwan laga helayaa qaraxaas oo barqadii maanta lala eegtay ciidanka Puntland.
Dhinacakale Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxa, waxaana war ka soo baxay ay ku sheegeen inay ku dileen 6 askari oo ka tirsan ciidanka Puntland, inkastoo saarakiisha ciidamada maamulka Puntland eysan wali ka hadlin qaraxa iyo waxyeelada ka dhalatay.
boosaaso