DEG DEG:-Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Siinka-dheer ee duleedka muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu goordhow ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Qaraxa ayaa ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxana Goobjoogayaal ay Dalsan u sheegeen in Gaariga uu ku qarxay Koontoroolka ay Ciidamada dowladda Gawaarida soo galeysa Muqdisho  ku baaraan  ee Siinka-dheer.

Waxaa la sheegay in Gaariga oo ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa uu ka tegay dhanka Muqdisho,basle markii uu marayay Siinka-dheer Koontoroolka Ciidamada dowladda uu qarxay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku geeriyooday Wadihii Gaariga,waxana sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux oo shacab ah oo wadada marayay iyo mid ka mid ah ciidanka dowladda oo kontoroolka ku sugnaa.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa haatan Goobta gaaray,waxana la xiray dhaq dhaqaaqii Gawaarida iyo dadweynaha ee koontoroolka Siinka-dheer.

Goordhow kala socda faah faahinta warkaan radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media