DEG DEG:-Qarax Goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Jugta Qarax Xoogan ayaa Goordhow waxaa laga maqlay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo la sheegay inuu ka dhacay Igoyska Ex-Koontarool Balcad.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, xili ay socdaal ku marayeen agagaarka Isgoyska Ex-Koontarool Balcad ee Magaalada Muqdisho.

Dad ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa soo sheegaya in qarax uu geystay Khasaaro, In kastoo aan si rasmi ah lo cadeyn inta uu la egyahay.

Sidoo kale Qaraxa kadib ayaa Ciidanka AMISOM waxaa ay fureen rasaas badan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay ku sugamn Ciidamo ka tiran kuwa dowladda Soomaaliay.

La scoco wixii kusoo kordha Insha Allaah.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media