Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii ay Maanta Cadaado gaareen Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehliyaan Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxa xukuumadda Galmudug iyo Xubno Wasiiro ah.
Ujeedada Safarkooda ayaa ahaa in ay qanciyaan Beesha degto Cadaado oo tabasho ka qabtay Shirkii ka dhacay Jabuuti oo ay ku heshiiyeen Madaxda Galmudug iyo Ahlusunna ee midoobay.
Maanta ayaa ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo kadib kulan uu la qaatay Odayaasha Magaalada Cadaado waxa uu ku dhawaaqay in Magaalada Cadaado ay noqoneyso Xarunta Baarlamaanka Maamulka Galmudug,islamarkaana ay ku shiri doonaan halka Dhuusamareeb ay tahay Xarunta Maamulka Galmudug.
Odayaasha iyo waxgaradka dega Magaalada Cadaado ayaa maalmihii la soo dhaafay diidanaa shirkii lagu dhameystiray heshiiskii midowga Galmudug iyo Ahlusunna,iyaga oo sheegay in ay Cadaado ka mamnuuceen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf balse Maanta xiisadaas las oo gaba gabeeyay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Farmaajo.