Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay xaqiijiyeen in rag ka tirsan Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen Maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan Maamulka gobolka Baay.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Cabduqaadir Cabdiraxmaan Cali  ayaa sheegay in Gaari nooca dagaalka ee loo yaqaano Cabdi Bilaha iyo Ciidamo la socday ay isku soo dhiibeen Maamulka degmada Diinsoor.
Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in tiro ka tirsan Shabaab oo ka kala yimid Shabeellaha Hoose iyo gobolka Baay ay isku soo dhiibayeen  Maamulka Koonfur Galbeed.
Filo Goordhow Wareysi aan la yeelanay Masuuliyiinta Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed.