War Goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in kooxo hubeysan ay fal dil iyo dhaawac ah ay ka geysteen Xaafad ka tirsan Magalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in Rag hubeysan ay Nin Oday ah ku dileen Agagaarka Jaamacadda Simad ee Wadada Warshadaha halka ruux kale oo la socday ay dhaawaceen,waxana weerarkaas ka soo baxaya warar kala duwan.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in labada Nin uu mid ka mid ah uu ahaa Oday Da’ah,isla markaana ay dileen Rag watay mooto halka wararka qaar ay sheegayaan in iyaga ay mootada saarnaayeen oo ay wateen.
Weli lama shaacin waxa ay ahaayeen Ninka Odayga ah ee la dilay iyo kana la dhaawacay balse waxaa goobta tegay Ciidamao ka tirsan kuwa dowladda,kuwaas oo qaaday dhaawaca iyo meydka.
Wararka ku soo kodha kala socda Radiodalsan.com