Deg Deg: Danjiraha Cusub Ee Dalka Ingiriiska oo Booqan Doonta Hargeysa

Danjiraha Cusub Ee Dalka Britain u qaabilsan Dalka Soomaaliya Harriet Mathews ayaa la filaya iney soo gaarto Magaaladda Hargeysa Ee Maamulka Somaliland iyo Magaalooyin kale oo dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Danjiraha ayaa Warbaahinta u sheegtay iney sida ugu dhaqsiyaha Badan ay ku soo gaari doonto Hargeysa iyo Goobo kale oo Dalka ka tirsan balse ma aysan shaacin waqtiga rasmiga ee lagu soo beegayo Booqashii ugu horeysay Ee Danjiraha.

Britain ayaa kamid ah Dalalka Caawiya Dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor