Wararka naga soo gaaraya degmada Mooyaale ee dhinaca Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal culus uu halkaasi ka socdo.
Dagaalka oo ah mid qaraar isla markaana la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu udhexeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega,sida ay sheegayaan dada goobjoogayaal ah.
Maleeshiyaadka dagaalamaya ayaa la sheegayaa inay isku heystaan dhul iyo hanti kale,waxana dagaalka ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac soo kala gaaray iyo dadka shacabka ah ee ku nool goobaha lagu dagaalamayo.
Dadka deegaanka ayaa ku warramaya in dagaalka uu wali socdo isla markaana labada maleeshiyo beeleed oo gaaray gurmad kala duwan taasoo xaaladda kasii dhigi karta mid kasii darta,maadaama aysan sidoo kale socon waan waan lagu kala dhex galayo labada maleeshiyo si dagaalka loo joojiyo.
Dagaal horey labada maleeshiyo beeleed halkaasi ku dhex maray ayaa waxaa ku dhintay tobanaan ruux ooisugu jira maleeshiyaadkii dagaalamay iyo dad shacabka ah, iyadoo sidoo kale ay ku burburtay hanti farabadan.