DEG DEG: Dab Goor Dhow Kakacay Suuqa Bakaaraha

Waxaa goor dhow dab xoogan uu qabsaday qeyb ka mid ah suuqa weyn Bakaaraha ee maagalada Muqdisho, waxaana la soo sheegayaa in dabku uu ku sii faafayo qeybo kale.

Goobjoogayaal ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in waxyar ka hor dabka uu qabsaday suuqa, gaar ahaan qeybta alaabta Maacaaunta oo ah meel waxyar u jirta halkii uu bilaawgii sanadkaan kakacay dabkii xooganaa ee suuqa Bakaaraha, waxaana hada gudaha u sii galaya suuqa gawaarida dab damiska, si ay uga hortagan faafida dabkaasi.

Lama oga waxa keenay dabka, balse mar qura ayaa la arkay holac iyo qiiq cirka isku shareeray gudaha suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, xilli ay tahay Habeen, suuqana ay ka maqanyhiin ganacsatada.

Bilaawgii sanadkaan ayey ahayd, markii uu suuqaan dab qabsaday, waliba xilli Habeen saq dhexe waxaana u baabi’iyey hanti fara badan oo tiilay Bakaaraha, kaa soo ganacsatadu ku sheegeen dabkii ugu xoogana abid ee kakaca suuqa Bakaaraha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media