Deg-Deg: Ciidamada Galmudug iyo Ahlusunna oo Saaka isku horfadhiya deegaan ka tirsan Gobolka Galgaduud

Degaanka Cara-tuurka oo u dhexeeya Godinlabe iyo Mareergur ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka isku horfadhiyaan, ciidamadda maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca, sida illow wareedyo ay usheegen xafiiska wararka ee Radio Dalsan.

Labada dhinac ayaa mid kasta waxaa lasoo sheegayaa in uu deegaanka uu u daadgureeyay ciidama farabadan, taasoo dadka ku abuurtay qal-qal dhinaca nolosha.

Sidoo kale dad marqaatayaal ah ayaa sheegay in ay maqleen rasaas goos goos, kadibna ay joogsatay, waxaana la dareemayaa xaalad kacsanaan ah maanta , taasoo keentay in dadka deegaanka qaarkood ay isaga cararaan guryahooda.

ma jirto war kasoo baxay maamuladda dhinacyada isku horfadhiya deegaanka.

Maanta xaalada kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa Degaanka Cara-tuurka oo u dhexeeya Godinlabe iyo Mareergur ee gobolka Galgaduud ee bartamaha soomaaliya.

Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, ayaaneey aheen markoodii ugu horeysay oo ay ku dagaalamaan deegaanka.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor