Banaan baxaan looga soo horjeedo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa uu ka socdaa degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.
Waa banaanbixii labaad ee looga soo horjeedo Maamulka Jubbaland oo mudo 24 saac gudahood ah ka dhaco deegaano ka tirsan Maamulka Jubbaland.
Shacabka degmada dhoobley oo isugu jira Haween, Carruur iyo waxgaradka degmadaas ayaa inta badan ka qeyb qaadanaya banaanbaxa,iyaga oo ku dhawaaqaya Erayo ay ka mid yihiin Jubbaland dooni meyno.
In kastoo aan la ogeyn waxaa xilligaan ku soo beegay ayaa hadana,waxa uu daba socdaa banaanbax shalay ka dhacay degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo xilli halkaasi uu gaaray Wasiirka Qorsheynta Jubbaland Aadan Aw Xersi.
Wararka ku soo kordha banaanbaxaas kala socda Radiodalsan.com