Deg-Deg: Al Shabab oo la waregay gacan ku heynta saldhig ciidanka kenya ku leeyihiin xuduuda soomaliya

Ku-dhowaad 100 dagaalyahano ka tirsan Al Shabab ayaa weeraray, saldhig ay police-ka dalkaasi ay ku lahaayeen deegaan u dhow xuduud ay Soomaaliya la wadaagaan kenya, sida uu sheegay Taliyaha police-ka dalkaasi kenya Joseph Boinnet.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay Diff Police station, oo ku yaala degmada Wajir, oo ku dhow xuduuda soomaaliya, 2200 GMT.

Joseph Boinnet, Taliyaha Police-ka waxaa uu sheegay, in dagaalyahanadii Al Shabab ay saldhigaasi, markii ay gudaha ugaleen ay kala bexeen rasaas aad u farabadan iyo qoryo, kuwaasoo lagu qiyaasay 10,000 oo xabadood, iyo qoryo noocyada 13 AK-47.

Sidoo kale dadka deegaanka waxaa ay sheegeen in saldhiga ay mudo kooban ay Al Shabab gacanta ku dhigeen maamulkiisa.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor