DEG DEG: Agaasimihii Isbitaalka Jowhar oo La sii Daayey

Waxaa goor dhow xabsiga laga sii daayey agiisimaha isbitaalka Intersoos ee Jowhar Xassan mahadi Cabdi, oo xalay maamulka Hirshaabeelle ay u taxaabeen xabsiga.

Wariyaha Radio Dalsan ee magaalada Jowhar ayaa soo sheegay in la sii daayey agaasimaha, waxaana la sheegay dhinacakale inuu baaqaday banaanbax looga horjeeday wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle iyo xariga agaasimaha.

Xalay ayaa ciidamo ka amar qaata maamulka Hirshabeelle waxaa xabsiga ay dhigeen agaasimaha, kadib amar ka soo baxay wasiirka arrimaha gudaha oo la sheegay inuu  horey amar ku bixiyey in isbitaalka uu ka guuro dhismaha oo hada ka daganyahay magaalada Jowhar.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media