Ugu yaraan 31 qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay xeebaha dalka Yemen ka dib markii uu gantaal ku habsaday doontii ay ku safrayeen.
Ilo laamaha caafimaadka ka tirsan oo ku sugan dekedda Xudeyda oo ay maamulaan kooxda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan haween iyo dhallaan, dad kale oo badan oo dhaawac ahna la geeyay isbitaallada magaalada.
Ilaalada xeebaha ayaa saxafiyiinta u sheegay in qaxootigan oo wata warqado aqoonsi oo rasmi ah oo ay bixisay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay u sii socdeen Suudaan marka ay weerartay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah.
Ibrahim Ali Zeyad, oo ah badmaaxe la socday doonta la weeraray ayaa sheegay in 80 qof la badbaadiyay dhacdada kadib.
Doonta marka la beegsanayay waxay goosheysay marinka mashquulka badan ee Baabal Mandab.
Safaaradda Somaliya ee Yemen oo aan la xiriirnay si aan ogaalkooda uga weydiinno musiibadaasi, ayaaney noo suurogalin, laakin mar walba oo ay suuragal noqoto ayaanu idin soo gudbin doonnaa.
Ilaa iyo hadda lama oga cidda weerarka gaysatay waxaana suurogal ah in tirade dhimashada ay kor u kacdo .