Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ayaa galabta goor dhoweyd ku dhawaaqday in in heshiiskii is-faham uu yahay mid shaqeynaya marka la eego sharciga caalamiga ah.
Maxkamadda ayaa u fariisatay go’aanka ay ka qaadaneyso dalabka Kenya in aysan Maxkamaddu gelin dacwadda ee labada dal iyo dacwadii Soomaaliya in Maxkamadu dacwadaasi qaado.
Maxkamadda ayaa go’aamisay in mar kale wada hadlaan labada dal iyadoo la tixraacayo heshiiskii is-faham ee sanadkii 2009.
Maxkamadda ayaa ugu danbeyn diiday doodii Kenya ee ahayd inaysan maxkamadu geli karin dacwadda Badda, waxayna go’aamisay inay galeyso dacwada.
@RadioDalsan