Dhaawaca Darawalka Mooto Bajaajta ayaa waxa uu Maanta ka dhacay degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan agagaarka Masjidka Marwaas.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Darawalka mooto Bajaajta uu dhaawacay nin ku hubeysnaa Bustoolad,isla markaana uu baxsaday.
“Nin bustoolad ku hubeysna oo dhar Shacab ah wata ayuu ahaa weey murmeen wuuna dhaawacay,runtii ma aqaan waxa ay isku khilaafeen laakin darawalka Mootada wuu dhaawacmay ciidamo imaaday ayaa goobta ka qaaday ninkii dhaawaca geystayna wuu baxsaday ayuu yiri qof ka agdhawaa Goobta ay wax ka dhaceyn.
Tan iyo markii uu Sanadkaan dhashay ayaa waxaa Magalada muqdisho ku soo badanayey dhibaatada loo geysanayo Darawalada mooto Bajaajta,iyada oo in ka badan 10 ka mid ah lagu diley Magalada Muqdisho.
Dhaawaca Maanta degmada Xamarweyne loogu geystay Darawalka Mooto Bajaajta weli kama hadlin maamulka degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.