Darawal Mooto Bajaaj oo la dilay iyo Banaanbax ka dhashay

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa Maanta lagu dilab Darawal Mooto Bajaaj,waxana la sheegay in dilkiisa uu ka dambeeyey Askari ka tirsan ciidamada Dowladda.

Darawalka  Mooto Bajaajta ayaa waxaa lagu dilay meel u dhow Saldhiga Booliska Magalada Baladweyne,iyada oo uu toogtay askari ka tirsan Ciidamada Booliska Magalada Baladweyne,waxana Darawalka lagu Magacaabi jiray Yaasiin Cali Saney

Goobjoogayaaal ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in dilka ka dib Darawalada Mooto Bajaajta ay sameeyeen banaabax ay ku dalbanayaan in cadaalada lahor-keeno askarigii ka dambeeyey dilkaas.

Maalmaahan ayaa sidoo kale waxaa Warar aan helnay ay sheegayaan in Baladweyne ay ka socdeen howlgal ay wadeen ciidamada kaas oo lagu baadi goobayey Bajaajley diiday bixinta lacag dhan $15 oo maamulku ku soo rogeen.

Magalada Baladweyne Xaafadeeda kala duwan gaar ahaan agagaarka goobta uu dilka ee Saldhiga Magalada Baladweyne oo ku yaalla bartamaha Wadada dhexmarata Magaaladaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor