Danjirihii ay Maraykanka u soo magacowday Somalia rubuc qarni kadib, oo is-casishay

Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa shaaciyey in Danjirihii ay u so omagacaabeen Somalia ku-dhawaad 25-sanno kadib ay iskooda u go’aansatay inay iska casisho xilkaasi.

Katherine Simonds Dhanani oo ah Danjiraha iska casishay magacaabiistii Madaxweyne Obama u magacaabay inay noqoto Danjiraha Maraykanka uga wakiilka ah dalka Somalia, ayaa ah Diplomaasiyad khibrad leh, isla markaana ka soo shaqeysay dalal badan oo Afrikaan ah.

Katherine Simonds waxay sheegtay inay sababo shaqsiyadeed isaga casishay Xilkii Safiirnimo ee loo magacaabay.

Waaxda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa qorsheynaysay hawlgelinta Ambassador Katherine Simonds Dhanani, waxaana Mudanayaasha Aqalka Senedka Maraykanka laga sugayey inay u codeeyaan magacaabista Xilkeeda Danjirenimo.

Ambassador Katherine Simonds Dhanani oo xilkaasi loo magacaabay bishii Febriary ee sannadkan waxay sababo dhinaca ammaanka awgiisa u imaan weyday magaalladda Muqdisho, iyadoo ka hawlgeli jirtey Safaaradda Maraykanka ee magaalladda Nairobi.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo aan fasax u haysanin inuu Saxaafadda la hadlo ayaa si hoose u sheegay in Madaxweyne Obama laga war dhowrayo, si uu Danjire kale ugu soo magacaabo dalka Somalia.

Safaaraddii ay dowladda Maraykanka ku lahaayeen magaalladda Muqdisho ayaa la xiray sannadkii 1991-kii, burburkii Dowladdii Kacaanka kadib.

Dhinaca kale, Dowladda Maraykanka ayaa dib u soo celisay Xiriirkii Diplomaasiyadeed ee ay la lahayd Somalia, waxayna aqoonsadeen Dowladda Federalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor