Ciidanka Kumandooska Danab ee Xoogga Dalka ayaa sheegay inay  burburiyeen goob ay dagaalamaayasha al-shabaab  ka joogeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose.
Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in Howlgallada ay si gaar ah ugu dhaceen deegaanada kala ah Yaaq-xaluul, Qod-qod, Beer-xaani,Quddus iyo goobo kale, halkaas oo fariisimo waa weyn iyo Xaruumo kale.
Gaashaanle Carab Dheeg Axmed oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay Ciidanku burburiyeen fariisimo ay dagaalamaayashu ku lahaayeend egaanada la weeraray.