Waaxda Arrimaha Dibedda ee Marayklanka waxay dhawaan soo saartay Liiska Tahriibinta Dadka ee sanadkan 2021-ka.
Warbixinta oo la soo saaray Arbacadii la soo dhaafay waxaa lagu soo bandhigay 15 Waddan oo ay Somalia ka mid tahay ku dartay Liiska Sharciga Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha ee (CSPA) ee Askariyeynta Carruurta oo qeybta ka ah Warbixin Sanadeedka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee dalalka ku lugta leh Tahriibinta Dadka (Â Trafficking in Person (TIP).
Liiska Dalalka ay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka soo saartay waxay kala yihiin:- Somalia, Syria, Yemen, Turkiga, Pakistan, South Sudan, Afganistan, Iran, Iraq, Mali, Nigeria, Venezuela, Libya, Burma  iyo Kongada Dimuqraadiga.