Daily Mail: Jihadistayaal Somali oo xiriir la leh Daacish oo ka baxsaday Britain

Saddex Somali ah oo ay Hay’addaha Ammaanka iyo Sirdoonka ee dalka Britain indhaha ku hayeen ayaa la sheegay in laga waayey dalkaasi.

Raggaasi oo lagu kala magacaabo Mohamed Ahmed Mohamed, Ibrahim Maygaag iyo nin magaciisa lagu soo gaabiyey CF ayaa la shegay inay dhamaantooda baxsadeen iyagoo ku hoos jiray Kontoroolka Saraakiisha La-dagaalanka Argagixisadda.

Raggaasi ayaa la sheegay inay gacan-saar la lahaayeen Muwaadinka Britishka ee Mohamed Emwazi oo Kooxda Daacish ugu qaabilsan Qoor-gonta, laguna naanayso Jihadi John.

Ciiddanka Ammaanka ee Britain ayaa rumeysan in Eedeysanayaasha Soomaalida iyo Jihadi John ku soo tababar qaateen dalalka Somalia iyo Syria, isla markaana ay xiriir la leeyihiin Xarakadda Alshabaab iyo Kooxda Daacish (ISIS).

Cadadkii maanta ee Wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa magaalladda London ayaa ka soo xigtay ilo ku dhow Saraakiisha Sirdoonka inuu Ibrahim Maygaag ugu war dambeysay isagoo Taksi ka qaatay meel ku dhow Saldhigga Euston snnadkii 2012-kii, halka uu Ibrahim Maygaagka baxsaday Britain bishii November ee sannadkii 2013-kii.

Sidoo kale, ninka magaciisa lagu soo koobay CF uu gaari xamuul ka raacay Degmadda Dover bishii November ee sannadkii hore.

Wargeyska waxa uu qoray in Mohamed Ahmed Mohamed la qorsheynayey in la soo taago Maxkamadda, isagoo ku eedeysnaa inuu jebiyey Amarka La-dagaalanka Argagixisadda iyo inuu xiriir la lahaa Xag-jirayaasha Afrika, wuxuuna muteysan lahaa 20-sanno haddii lagu helo Kiiskaasi.

Wargeyska Daily Mail waxa kaloo uu qoray in Eedeysanaha magaciisa lagu soo koobay CF la dul-dhigay Amar Kontorool, kadib, marki iay Boliska Britain ee La-dagaalanka Kooxaha loogu yero Argagixisadda sheegeen inuu la xiriiray Shabakad ay leeyihiin Muslimiinta Britishka ee ku kala sugan dalalka Somalia iyo Syria.

Dhinaca kale, Wargeyska Toddobaadlaha ee Sunday People ayaa qoray inuu jiro Nin kale oo Somali ah oo magaciisa lagu soo koobay K 2, kaasi oo loo diiday inuu soo galao dalka Britain, kadib, markii uu ka soo laabtay safar uu ku yimid Somalia.

IBRAHIM MEGAG MOHAMED AHMED UK

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor