Dagalaame Kenyaati xubin ka ahaa Dagaalamayaasha Alshabaab oo isku dhiibay Boliska Garissa

Ninkaasi oo 22-jir ah ayaa la sheegay inuu iskiisa iskugu soo dhiibay Saldhig ay Boliska Kenya ku leeyihiin meel ku dhow xuduudka Somalia.

Ninka la sheegay inuu ka tirsanaa Alshabaab ayaa sheegay inuu ka soo baxsaday Alshabaab, isla markaana uu si geesinimo leh isugu soo biimeeyey inuu keligiisa ka soo gudbo xuduudka cidlada ah, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu intaasi ku daray inuu ka soo daallay waxa uu ugu yeeray Dhaqdhaqaaqyadda Alshabaab.

Dhinaca kale, Ku-simaha Madaxa Ammaanka ee Garissa, James Kiyanda ayaa sheegay inuu Ninkaasi Kenyaatiga uu soo lugeeyey dhowr KM si uu uga soo gudbo xuduudka Somalia la wadaagto Kenya.

James Kiyanda waxa uu xusay inay rumeysan yihiin inuu ninkaasi ka soo goostay Alshabaab, kana faa’ideystay cafiska ay Dowladda Kenya u fidisay Dhallinyarradda Kenyaatiga ee horey ugu biiray Dagaalamayaasha Alshabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor