Dagaalyahanno Alshabaab oo ka wacdiyey Masaajidyo ku yaalla W/bari Kenya

Saraakiil iyo Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab oo aad u hubeysan ayaa la sheegay inay maqribnimaddii habeen hore gaareen Degmadda Ijaara ee ku dhow Degmadda Garissa, waxayna Muxaadaro Diini ah u jeediyeen dad ku cibaadaysanayey labo Masjid oo ku yaalla TuullooyinkaTumtish iyo Kabasaalo oo ka tirsan Degmadda Ijaara.

Wargeyska The Standard ayaa qoray inay Dagaalyahannadda Alshabaab oo tiradooda lagu sheegay ilaa 25 dagalyahan ka khudbeeyeen labada Masjid, isla markaana ay magacaabeen dad ay ku sheegeen inay Basaasiin yihiin.

Sarkaal ka tirsan Boliska Kenya ayaa sheegay inay heleen warar Sirdoon ah oo ku aadan inay Dagaalyahanno Alshabaab oo ka koobnaa labo koox ay hadalo ka jeediyeen Masaajidyo ku yaalla Degmaadda Ijaara.

Sarkaalkaasi oo la hadlay Wargeyska The Standard ayaa tilmaamay inuu kooxdaasi hoggaaminayey Sarkaal lagu magacaabo Mohamed Bilaal, kaasi oo ay Dowladda Kenya horey u shaacisay inay baadi-goobayeen Sarkaalkaasi.

Sarkaalka u hadlay Ammaanka Kenya waxa uu  ku dooday in uu rumeysan yahay in dagaalyahannadda Alshabaab ee soo gaaray Degmadda Ijaara uu soo diray Sheekh Maxamed Kuna o oah Taliyaha Alshabaab ee Goballadda Jubbooyinka, kaasi oo ay Dowladda Kenya madaxiisa dul dhigtay lacag dhan 20 million oo Kenya Shillings ah.

Dhinaca kale,  labada Masjid ee ay Alshabaab ka khudbeeyeen  ee ku yaalla Tuullooyinka Tumtish iyo Kabasaalo inay aad ugu dhow yihiin Saldhigyo ay Milliteriga Kenya ku leeyihiin Deegaanadaasi.

Xigasho: The Staandard

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor