Dagaalka Magaalada Laascaanood oo Maalintiisii Seddexaad galay

Dagaalka Magaalada Laascaanood ayaa galay maalintiisii seddexaad, waaana uu sii xogaysanaa maalinba maalinta ka dambeysa sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Halkaasi.

Dhawaqa madaafiicda ayaa si xooggan loo maqlayaa, waxaana wararkii ugu dambeyay ay tilmaamayaan in Ciidamada dadka degaanka ay kusii siqayaan fariisimo hor leh.

Dagaalka ayaa ah mid khasaare badan dhaliyay, waxaana lasoo sheegayaa in tirada dadka ku dhintay ay korortay.

Ciidanka dadka degaanka ayaa sidoo kale lasoo sheegayaa in haatan ay kaabiga ku hayaan Saldhigga Goojacadde oo ah halka ugu xooggan yihiin Ciidanka Somaliland, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor