Wararka aan ka helayno  furumaha dagaalka Itoobiya ayaa shegaya in wajigii Seddexaad ee dagaalka labada dhinacba isku diyaarinayaan, ayna jiraan is Abaabul xooggan oo si weyn loo dareemayo.
Ciidamada Milatariga iyo maleshiyadka axmaarada ee dagaalka ka waday dhanka galbeed ayaa ku dhaqaaqay magaalada Adigrat,  iyago kusii wajahan magaaloyinka xiga dhanka Caasimadda Mekelle.
Ciidamada tigray ayaa ka bilaabay agagaarka Adigrat dagaal goos goos ah iyo Miinoyin ay wadadda ka buuxiyen, waxaana Magaalooyinka kale ee ay u dhaqaaqeen ka mid ah freweyni, Negash, hawsen, Abraha iyo kuwa kale.
Ciidamada milatariga iyo maleshiyadka is kaashanaya ayaa sheegay inay  kuso dhaw yahiin Caasimadda Mekelle iyago sheegay inay kaso gudben dagaalkii buuraha hadana ay ku sugan yahiin meel lagu magacaabo (Mahoni) wuxuuna sheegay kornel, dejene inay saacad walba gaadhi karaan mekelle waa sido hadalka u dhigaye
Waxaana dagaal yahanada TPLF ay isku aruur sadeen Magaaloyinka Wukro freweyni, Negash, iyago halkaas ka samaystay godod dhaadher oo dhufaysyo ah  waxaana halkaas noqon dontaa mid dagaal keedo aad u adkaado.
Dagaalka ka socda dalka Itoobiya ayaa hadda u Muuqda Mid galay Maraxalddii ugu adkeed, waxaana labada dhinac ee dagaalku u dhexeyo uu noqonayaan in ay hadda wajahayaan Wajigii ugu adkaa dagaalka oo hadda ay wadaan diyaar garoow si weyn looga dareemayo gudaha Itoobiya.