Hay’addaha Ammaanka ee dalka Kenya ayaa qiimeeyn ku sameeyey Filimkii laga duubay weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii hore ku aadeen Saldhig ay Milliteriga Kenya ku leeyihiin duleedka Degmadda Laamu.
Wargeyska The Star ayaa qoray inay Khubaradda Sirdoonka sheegeen inay Alshabaab isticmaaleen hub casri ah oo ay ku jiraan qoryaha M 16, isla markaana ay haatan qorsheynayaan inay weeraro kale ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.
Sarkaal magaciisa qariyey oo la hadlay  Wargeyska The Star ayaa sheegay inay Jihaadistayaasha shisheeyaha ee ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab ku jiraan kuwo aqoon u leh halka loo duuliyo Diyaaradaha dagaalka.
Sarkaalka waxa uu tilmaamay inay inta badan Dagaalamayaasha Alshabaab yihiin kuwo Khibrad sare leh, isla markaana ay la socdaan dhadhaqaaqooda.
Waxa uu intaasi ku daray inay Alshabaab qorsheynayaan inay weeraro ka geystaan Saldhigyadda Boliska ee Kenya, isla markaana Alshabaabka weerarka soo qaadayo la shaqeynayaan Kenyaan la-tuhunsan yahay, oo qaarkood Tababaro sare ku soo qaatay gudaha dalka Somalia.
© Radio Dalsan