Dagaal u dhexeeya Ciidanka Xoogga iyo Al-shabaab oo ka dhacay Gobolka Gagaduud

Dagaal u dhexeeya Ciidanaka Xoogga Dalka iyo Al-shabaab ayaa Subaxnimadii hore saaka waxaa uu ka qarxay Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya, waxaana lasoo sheegayaa Khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkaas.

Dagaalka ayaa ka dhacay sida wararku sheegayaan degaanka Miirdugul ee koofurta kaxiga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, Jugta hubka la isku adeegsanayo iyo dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa qaybo badan oo ka tirsan Gobolka, waxaana dad Goobjoogayaal ay sheegeen in dagaalku uu ahaa mid Culus.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka baxeen deegaanka, islamarkaana haatan ay iyagu gacanta ku hayaan ciidamada xoogga.

Wali si rasmi ah uma cadda Khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ahaa mid xooggan, balse waxaa jira khasaare soo kala gaaray labada dhinac, Saraakiishu kama hadlin khasaaraha ka dhashay dagaalka, marka laga reebo in ay la wareegen degaankii lagu dagaalamay.

Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan Ciidanka Dowladda, waxaana la filan karaa in dagaalku siixoogeysto.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media