Dagaal mar kale Saaka ka Qarxay duleedka Magaalada Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa lagu soo warramayaa in dagaal xooggan uu saaka mar kale dib uga qarxay magaalada, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaasta at isku adeegsanayaan dhinacyada halkaasi ku dagaalaamya.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa soo sheegaya in xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, waxaana dagaalku uu si toos ah kaga billawday Duleedka Magaaalada Laascaanood.

Ciidamada Millateriga Somalialnd ayaa adeegsanaya hubka cul-culus sida ay sheegayaan dadka degaanka.

Horay waxaa loogu dhawaaqay Xababd joojin,balse taasi ma dhaqan galin maaddaama ku dhawaad 20 maalmood oo xiriir ah uu dagalku socdo

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor