Dagaalo ayaa Maanta markale waxa ay ka dhaceyn deegaano ka tirsan Gobolka Mudug,kuwaas oo u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo dad Shacab ah dagaalkaas oo shalay aroortii hore soo bilaawday,isla markaana ay geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dadka xoolo dhaqatada ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al Shabaab ayaa Maanta waxa ay markale ku dagaalameen deegaan lagu Magacaabo Maamiyo,oo u dhow deegaanka Caad oo shalay ay labada dhinac kuwada dagaalameen.
Qaar ka mid ah dadka ku sugan deegaanada lagu dagaalamay ayaa waxa ay sheegeen in Al Shabaab ay dadka Shacabka ah ka dalbadeen in ay ku soo wareejiyaan dhalinyaro ka barbar dagaalanta,balse dadka Shacabka ah ay diideen.
Shalay dagaalkii ka dhacay deegaanka Caad ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,oo labada dhinac ah,waxaana weli dagaalkaas ka hadlin masuuliyiinta dowlad Goboleedka Galmudug.