Dagaal khasaaro sababay oo Maanta ka dhacay degaan ka tirsan Galgaduud

Wararka aan ka helayno deegaanka labo Galle ee ku yaalla Waqooyiga Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas duhurnimadii Maanta uu ka dhacay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed hubeysan oo degaanka wada-dega.

Dagaalkaan oo in ka badan saacad socday ayaa waxaa la sheegay in la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay iyo dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey shan qof ayaa ku dhimatay dagaalkii ka dhacay deegaanka labo Galle, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen, dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyay Isbitaalo ku kala yaalla Magaalooyinka Cadaado iyo Caabudwaq ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa salka ku haya arrimo dhul, illaa iyo hadana ma jirto cid ku baxday labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamay, sidoo kalena Maamulka Gobolka Galgaduud ee Galmudug ayaan weli wax war ah kasoo saarin dagaalkaas Maanta dhacay.

Deegaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa xiliyadda qaarkood ka dhaca dagaal beeleedyo iyo dilal qorsheysan oo salka ku haaya arrimo la xiriira anooyin iyo dhul-daaqsimeedyo, Galmudug ayaa horey u kala dhex gashay maleeshiyad dagaalamay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor