Dagaal khasaaro geystay oo saaka ka dhacay Magaalada Gaalkacyo

Faah faahino ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Puntland iyo rag hubeysan oo ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya ayaa saakay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu yimid, kadib markii Ciidanka Booliska Maamulka ay damceyn inay howlgal ku qabtaan ragga hubeysan, hayeeshee ay iska caabin kala kulmeen, wuxuuna sigaar ah uga dhacay Xerada Kabidda ay ku iibinayeen dhalooyin khamri ah.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhacay, waxaana ku dhintay hal ruux oo kamid ahaa ragga hubeysan oo iibinayay Khamri, halka afar  kalena saddex Askari tahay iyo qof shacab ah ay dhaawacmeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidanka Booliska Puntland ay wadaan howlgal ay ku baadi goobayaan raggii hubeysnaa ee dagaalka la galay oo goobta ka baxsaday.

Si kastaba dhow jeer oo horey ayaa sidaan oo kale waxaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug uga dhacay dagaal u dhexeeyay Ciidanka Booliska Puntland iyo ragga hubeysan oo ka ganacsanaayay Khamriga iyo waxyaabo kale oo maandooriya ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor