Wararka aan ka heleyno duleedka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in gelinkii ee Maanta halkaasi uu ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa mid culus oo saacado badan qaatay,waxaana uu yimid kadib markii Al-shabaab ay weerareen deegaanka Yaaqle eek u yaalla duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,isla markaana waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida dadka deegaanka ay Idaacada Dalsan u sheegeen.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala labada dhinac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagalkaas,inkastoo aan si dhab ah loo cadeyn karin.
Dhinaca kale war Al-shabaab ay barahooda internet-ka ku qoreen ayaa waxaa ku sheegteen in dagaalkii galabta ay ka dhacay duleedka Balcad ay ku dileen Abaanduulihii Guutada labaad ee Ciidamada dowladda iyo 11 Askari,isla markaana ay ku gubeen gaari nooca dagaalka ah.
Hayeeshee ilo madax banaan ayaa Idaacada Dalsan u xaqiijiyay in Abaanduulaha dhaawac uu soo gaaray,isla markaana loo soo qaaday Magaalada Muqdisho si loogu dabiibo xaaladiisa Caafimaad.