Wararka aan ka heleyno degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee Maanta ay degmadaasi uu dagaal ku dhex maray laba Maleeshiyo dagaalkaas oo geestay khasaaro kala duwan.
Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanada leysku yiraa Shiidle Bari oo ah  duleedka degmada Mahadaay waxa uuna u dhaxeeyaa laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega kuwaas oo dhowr mar wada dagaalamay sida ay dalsan u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.
Inta la xaqiijiyay dagaalkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay  10 ruux in kastoo aan weli la soo sheegin wax dhimasho ah oo dagaalkaas ka dhashay.
Duleedka Bari ee degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxaa sidaan oo kale ku dagaalamay laba maleeshiyo beeleed, kana waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee ka dhaca tan iyo markii maamulka cusub loo sameeyay degmadaas.