Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo gelinkii dambe ee Maanta duleedka Tuulada Qalimow oo hoostagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo Maleeshiyo beeleed.
Ciidamada Dowladda ka tirsan oo ku wajahnaa Magalada Jowhar ayaa ka wareegay dhinaca laamiga gaar ahaan tuulada Ilbiq oo dhowr mar rag ka tirsan Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ka sameeyeen.
Hayeeshee meel duleedka ka ah tuulada Qalimow ayaa la sheegay inay rasaas kusoo rideen maleeshiyo deegaankaas ku sugneyd kuwaas oo uga shakiyay inay yihiin maleeshiyaad kale oo dagaal kala dhaxeeyay inay soo weerareen.
Dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ayaa wararka aan helnay waxa ay sheegayan in Ciidamada Dowladda ay gacanta ku dhigeen una kaxeeyeen dhinaca Magalada Jowhar laba ka mid ah maleeshiyaadkii,waxaana dagaalkaas sidoo kale ku dhintay Saddex kale.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Dowladda ee la rasaaseeyay ay sinabad ah ku tageen Magalada Jowhar,hayeeshee Saddex ay ka qabteen maleeshiyaadka ay u qaateen inay yihiin Al-Shabaab deegaankaas ku sugnaa.
Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda weli kama hadlin dagaalkaas galabta ka dhacay duleedka tuulada Qalimow ee Gobolka Shabeellaha Dhexe