Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa ku warramaya in Dagaalk Culus uu ka billaawday inta u dhaxaysa degaanada Camaara iyo Bacaadwayn oo ka wada tirsan gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa u dhexeeya dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya, waxaana lasoo sheegayaa in haatan uu dagaalku socdo, iyadoo Goobjoogayaal ku sugan halka dagaalku ka socdo ay soo sheegayaan in ay maqlayaan jugta hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac.
Wararku waxaa ay intaas ku darayaan in dagaalku uu bilaawday kadib markii Ciidanka dowladda oo aad u hubeysay ay weerareen Shabaab ku sugnaa inta u dhexeysa Camaara iyo Bacaadwayn ee gobolka Mudug., waxaana Ciidanka dowladdu ay ahaayeen kuwo gurmad ahaan ugu socday dadka degaanka Bacaadweyn oo dagaal culis la galay dagaalamayaasha Al-shabaab.
Wali lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay dagaalkaasi, waxaana adag in la ogaado maaddama wali uu socdo dagaalku, sida ay soo sheegayaan dadka degaanka.
Saaka degaanka Bacaadweyn waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeya dadka degaanka iyo Al-shabaab, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khaasaro xooggan oo labada dhinac soo kala gaaray.