Dagaallo culus ayaa ilaa saaka ka socda Magaalooyin waa weyn oo ka tirsan Dalka Itoobiya, waxaana dagaalka ugu xooggani uu hadda ka socdaa Bati iyo Nawaaxiga Kamise.
Dagaalka saaka qarxay ayaa u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Xoogaga is bahaysiga OLA iyo Tigray oo dhinac ah, waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaro xooggan oo labada dhinac ah, sida ay ku warramayaan wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno degaanadaasi.
Ciidanka Dowladda ayaa ku hanjabay in degaanno dhowr ah ay qabsan doonaan, sidoo kalena waxaa socda gurmad ay labada dhinac dalbanayaan iyo is abaabul xooggan oo dhinac kaste oo wado, iyadoo walid agaalku socdo.