Dadka ku nool deegaano ka tirsan Kenya oo ku dhiban isticmaalka Mobelada,ka dib weerarada Al-Shabaab

 

Dadka ku nool Deegaanka Hullugho oo 18 KM u jirta Xuduudka Kenya la leedahay Somalia ayaa la sheegay inay dhibaato xooggan ku qabaan Isticmaalka Mobayladda, waxayna dantu ku kalliftaa inay Geedaha dushooda u koraan si ay u adeegsadaan Mobayladda.

Arrintaasi ayaa la sheegay inay u sabab tahay Weeraradii ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku burburiyeen Taawarka Anteennadda ee Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ee laga isticmaalo dalkaasi.

Qaar ka mid ah Dadka Deegaanka oo Wareysi siiyey Wargeyska Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa sheegay in Isgaarsiinta oo aad u liidata inay noloshooda haatan ka dhigtay mid culus marka loo eego sannooyin badan.

Xaalladda Isgaarsiinta ayaana la sheegay inay mid xun ka dhigtay weeraradda ay Alshabaab ku burburiyaan Taawaradda Isgaarsiinta ee Adeegga Mobayladda bixiya.

Wargeyska Nation waxa uu qoray in dadka Dhallinyarada nasiib u leeyihiin inay Mobayladodoa la fulaan dusha sare ee Geedaha, si ay Anteeno Wanaagsan ugu helaan Mobayladda ay ku hadlaan.

Dhinaca kale, waxaa albaabadda loo laabay dhamaan Goobihii Ganacsiga ee Khudaarta iyo Dukaamadda wax looga iibsado Lacagaha ku jirta M-Pesa ee ku yaalla Deegaanka Hullugho, kadib, markii ay  soo wajahdo Anteeno La’aanta Mobayladooda.

Si kastaba ha ahaatee, Dagalamayaasha Alshabaab waxay horey weeraro ugu burburiyeen Taawaradda Isgaarsiinta ee Shirkadda Safaricom Kenya ee ku kala yaalla Deegannadda Hulugho, Faafi, Ijaara, Sangaylo iyo qeybo ka mid ah Dhadhaab.

Labo isbuuc ka hor, Dagaalamayaasha Alshabaab  waxay burburiyeen Taawaradii Safaricom ee DegaanaddaHameey iyo Dhadhaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor