Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi weerar ka dhacay lagu dilay dad la sheegay in ay ahayeen shacab.
Weerarka ayaa waxaa la sheega inay fuliyeen rag hubeysan,kdaib markii rasaas xoogan ay ku fureen gaari la socdeen dadkii shacabka ahaa ee weerarka lagu qaaday,waxaana halkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan 3 ruux ayaa ku geeriyootay weerar,halka 2 kalena waa ay ku dhaawcmeen,waxaana dadka dhaawacmay haatan lagu dabiibayaa mid kamid ah Goobaha Caafimaadka eek u yaalla Magaalada Muqdisho.
Dad Goobjoogayaal ah oo la hadlay Dalsan ayaa u sheega in ragii ka dambeeyay weerar goobta ay si deg deg ah ay uga baxsadeen,waxaana xiliga uu falkaas ka dhacaayay gaariga la weeraray uu ku sugnaa Nawaaxiga fariisin Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Muqdisho.
Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka deegaanka Ceelasha biyaha ee Duleedka Muqdisho,waxaana halkaasi dhowr jeer oo horey lagu dilay dad shaacab ahaa.