Dhakhaatiirta u dhalatay Kuuba oo laga daad-gureeyey Kenya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay Dhakhaatiirtaasi ka wada saareen Wajeer iyo Garissa, sababo la xiriira dhinaca Ammaankooda.

Dowladda Kenya wax faahfaahin ah kama bixinin  xilliga ay Dhakhaatiirtasi dib ugu soo labaan doonaan Adeegyadii Caafimaad ee ay ka fulin jireen Xarumaha Caafimaadka ee  Gobalka W/bari ee Kenya.

Dada-gureyntaasi ayaa timid, kadib, markii 2 Dhakhtar oo u dhashay Kuuba jimcihii la soo dhaafay laga qafaashay bartamaha Mandhera, lana dilay Askari ilaalo u ahaa.

Dhakhaatiirtaasi oo lagu kala magacaabo  Assel Herera Correa oo ah Dhakhtar Guud iyo Landy Rodriguez oo ah Dhakhtar ku takhasusay Qaliinka ayaan la ogeyn halka lagu hayo, inkastoo ay Hay’addaha Ammaanka Kenya sheegeen inay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab qafaasheen Dhakhaatiirtaasi, isla markaana loo kaxaystay gudbeen Somalia, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Kuuba, Migwel Diyaas-Kanel waxa uu shalay sheegay inay Dowladiisa ka shaqeynayso sidii loo soo badbaadin lahaa Labada Dhakhtar ee lagu afduubtay Kenya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Madaxweynaha Kuuba ku sheegay inay Dowladiisa ka shaqeynayso sidii ay Labada Dhakhtar iyagoo bad-qaba u soo laaban lahaayeen.

Ilaa 100 Dhakhtar iyo Kalkaaliyaal Caafimaad oo u dhashay dalka Kuuba ayaa waxay tan iyo bishii June ee sannadkii hore ka hawl-galayeen Isbitaalladda Kenya, iyadoo Dhakhtar kasta uu mushaar ahaan u qaato 882,000 oo Shillinka Kenya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media