Dad shacab ah oo lagu laayay duleedka Degmada Warsheekh

Wararka aan ka helayo duleedka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku warramaya in xalay dad shacab ah lagu dilay halkaasi, iyadoo sidoo kale dhaawacyo loo gaystay tiro kale oo dad shacaba ah.

Wararku waxaa ay sheegayaan in la dilay Seddex ruux oo mid ka mid ah ay tahay Haweenay, halka labada kale ay yihiin labo wiil oo dhallinyaro ah, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah oo ku sugan halka falkaasi dilka ah uu ka dhacay.

Sidoo kale waxaa la dhaawacay shan ruux, kuwaasi oo qaarkood uu soo gaaray dhaawacyo culus, iyadoo haatan laga dayrinayo xaaldooda caafimaad.

Dilka iyo dhaawaca loo gaystay dadka shacabka ayaa la xariirta aanooyin qabiil oo dhawaanaahan ka taagnaa duleedka degmada Warsheekh ee Gobolkaasi Shabeellaha dhexe.

Horay dad shacab ah ayaa loogu xasuuqay degaanno u dhaw degmada, waxaana dadka horay loo xasuuqay ka mid ahaa haween iyo carruur, kuwaasi oo loo dilay arrimo la xariira aanooyin Qabiil.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media