Dad shacab ah oo lagu laayay Dowlad degaanka Soomaali Galbeed

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Bambaas ee Degmada Gursum ee Dowlaad Degaanka Soomaali Galbeed ayaa soo sheegaya in halkaasi mAanta dhimasho iyo dhaawac loogu gaystay dad shacab ah.

Ku dhawaad  7 ruux oo shacab ah, halka tiro intaas ka badan dhaawacyo kala duwan loo gaystay, sida wararku sheegayaan.

Arrinta ayaa ka dambeysay kadib markii ay isku dhaceen Ciidanka Liyuu Booliska Dowlaad degaanka iyo dad shacab ah oo ka caraysnaa, is hor istaag looga sameeyay Caleema saarka Ugaas ay doorteen.

Beel ka mid ah Beelaha dega degaanka ay Mashaqadu ka dahcday ayaa la sheegay in ay qaban-qaabinayeen Xaflad ay ku caleema saaranayaan Ugaaska guud ee beeshaasi kaasi oo dhawaan la doortay, balse Ciidanak ayaa faragaliyay oo is hor istaag ku sameeyay sida aynu xog ku helnay, waxaana taasi ay keentay in dadkii shacabka ahaa ay caroodaan, kadibna Ciidanka ayaa Rasaas ku furay dadkii shacabka ahaa.

Wali mas’uuliyiinta Dowalad Degaanku wax war ah kama soo saarin, dilkasi loo gaystay dadka shacabka ah ee rasaasta lagu furay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor