Dad shacab ah oo ku dhintay Madaafiic lagu Weeraray degaanka Camaara

Weerar loo adeegsaday madaafiic ayaa xalay lagu qaaday deegaanka Camaara ee koonfurta Gobolka Mudug, falkaasi ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa hoyga ay ka degan yihiin Camaara.

Madaafiicda lagu garaacay Camaara oo gaarayay sida la sheegay illaa dhowr iyo toban madfac ayaa waxa uu mid kamid ah madaafiicdaasi ku habsaday uu ku dhacay guri ku yaalla magaalada oo ay ku sugnaayeen qoys xilligaas jiifay, kuwaasi oo waxyeelo gaartay.

Inta la xaqiijiyay waxaa goobta ku naf-waayay aabaha iyo hooyada qoyska guriga, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay wiil ay dhaleen, Wararka ayaa intaasi kusii daraya inay madaafiicda ku dhimatay Hooyo kale, taasi oo si xun u gubatay.

Saraakiisha ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay dagaalamayaasha Al-Shabaab in ay soo tuureen madaafiicda ku dhacday magaalada Camaara oo ka mid ah degaanadii dhowaan laga saaray Al-shabaab,

Dadka degaanka oo aad u murugeysan ayaa saaka ku howlan qaban qaabada aaska dadka waxyeeladu ka soo gaartay madaafiicda xalay lagu weeraray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor