Haweeney xaamilo iyo labo qof ayaa ku geeriyootay shil gaari oo ka dhacay Deegaanka Weydow ee duleedka Koonfureed ee magaalladda Muqdisho.
Goobjoogayaal ayaa u sheegay Radio Dalsan in Gaari nooca Booyadlaha oo soo fariin (bareeg) goostay uu jiiray Haweeney iyo labo carruur oo taagnaa Jidka dhinaciisa.
Dareewalka waday Gaarigaasi ayaa la sheegay inay Boliska qabteen, loona gudbiyey Xabsiga.
Inta badan shilalka gaadiidka ee ka dhaca gudaha iyo daafaha magaalladda Muqdisho ayaa waxa u sabab ah Dareewalladda oo aan taxadar muujinin iyo wadsooyinka oo burbursan.
©Radio Dalsan