Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax ka dhacay magaalada Mandheera, waxaana lasoo sheegayaa in qaraxaasi ay ku dhinteen dad aad u badan oo shacab ah, sida ay tilmaamayaan warar lagu kalsoonaan karo oo aynu ka helayno magaakladaasi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Saaka magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ay ku dhinteen toddobo qof, kuwaasoo gaari ay saarnaayeen lala beegsadey qarax.
Dadka ayaa saarnaa mid kamid ah gawaarida ka shaqeeya safarada, sida ay xaqiijiyeen goob joogayaal, waxaana jira khasaaro kale oo intaa ka badan, inkastoo ilaa iyo hadda aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee dhaawacyada.
Waxaana Goobta haatan kusugan laamaha ammaanka, kuwaasi oo aan wali shaacin cidda ay usoo qabteen weerarkaasi.
Sidoo kale wali ma cadda in gaariga uu ahaa bartilmaameedka iyo in kale.