Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir gaar ahaan fagaarada Taalada Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ka dhacay Banaanbax kooban oo looga soo horjeedo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dadka dhigaayay Banaanbaxa ayaa isugu jiray Caruur, Haween, dhalinyaro iyo Odayaal, waxaana ay ahaayeen dadkaas kuwo careysan oo kasoo horjeeda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale banaanbaxayaasha ayaa ku qeylinayay Ereyo ay uga soo horjeedan Madaxweynaha, waxaana kamid ah “doonimeyno Madaxweyne Farmaajo” iyo Ereyo kale, sida lagu arkayay Muqaalo laga soo duubay dadkaas oo lagu faafiyay baraha Bulshada.
Waxaa kaloo qaar kamid ah banaanbaxayaasha ay sheegayeen in Madaxweye Farmaajo iyo dowladiisa ay ku fashilantay ho’aanminta dalka, isla markaana ay doonayan inay muujiyaan dareenkooda ku aadan sida ay uga soo hoejeedan dowladda.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo fariisimo ku leh Taalada Daljirka Daahsoon ayaa rasaas ku kala Eryay dadkii halkaas ka dhigayay banaanbaxa, iyagoona sidaas ku kala tegay.
Ciidamo fara badan ayaa la soo dhoobay agagaaarka Daljirka Dahsoon, kuwaasi oo isugu jira Milateri iyo Boolis ah, waxaana aad loo adkeeyay amniga Taalada Daljirka ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.